Maxaa ka cusub Tahriibiyaasha lagu la’yahay badda udhaxeysa Masar iyo Talyaaniga ?

Masar-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya dalka Masar, gaar ahaan magaalada Qaahira ayaa sheegaya in aan nolol iyo geeri midna laheyn dhalinyaro Soomaali u badan oo Tahriib ahaa, kuna safray badda u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Masar, kuwaas oo ka baxay Xeebaha Masar 15 maalmood ka hor.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in cabsi laga qabo in dhalinyaradaasi ay la dagtay doontii ay saarnaayeen.

Warar laga helay mid kamid ah dadka dhalinyarada Badda galiya (MUKHALAS) ayaa sheegaya in doonidaas uu lumey xariirkeedii 3 maalin ka hor.

Dadka Saaran doonidan ayaa gaaraya 400 oo qof, waxaana la xaqiijiyey in ay Soomaali yihiin in ka badan 360 qof oo u badan dhalinyaro Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay aheyd markii ay dhinteen in ka badan 400 oo qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeday Soomaaliya, kuna dhintay biyaha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga.