Maxaa ka cusub Maanta Magaalada Garoowe?

Waxaa Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland banaanbaxyo ay soo qaban qaabiyeen culimada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Garoowe.

Banaanbaxa ayaa ahaa Roob doon waxaana kasoo qeyb galay Madax ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne  ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah culimada maamulka Puntland oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay umada kunool deegaanada maamulka Puntland in ay usoo baxaan roob doon.

Abaaro baahsan ayaa ka jira Qaar ka mid ah  deegaanada maamulka Puntland, waxaana ay  saameyn weyn  ku yeesheen dadka iyo duunyada .