Goof-guduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Goof-guduud Shabeelow ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib Dagaal shalay ka dhacay.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidanka Koofur Galbeed oo garab ka heleya kuwa Dowladda iyo Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan waxaa ku geeryootey 10 Qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa xilligii uu dagaalka socday.
Labada dhinac ayaa midba sheeganayaa in ay gacanta ku hayaan Goof-guduud oo dhowr jeer gacan ku haynteedu is-beddeshay.
Wariyaha Risaala ee Gobolka Baay ayaa soo sheegaya in saakay xaaldu ay tahay mid degan, goobihii lagu dagaalayna weli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan.


