Masar oo Shixnad gargaar ah garsiiyay dalka Jabuuti

Laba  Diyaaradaha Xamuulka ee Milliteriga Masar  waxay shixnado Gargaar Aadminimo oo aad u faraabdan u daabuleen dalka Jabuuti.

Diyaaradahaasi oo ka soo duulay Saldhiga Ciiddanka Cirka Masar ee ku yaalla Bariga magaalladda Qaahira.

Diyaaradahaasi waxay daabuleen  Shixnado ka kooban Cunto, Daawooyin iyo Qalabka Caafimaadka.

Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax El-Sisi ayaa bixiyey Amarka Diyaaradaha Gargaarka geeyey Jabuuti, xilli uu Madaxweyne El-Sisi Maanta oo Khamiis  ah booqasho uga bilaabantay dalka Jabuuti.