Masar oo ay ka socdaan dadaallo lagu furayo kanaalka Suez ee xirmay

Waxaa dalka Masar ka socdaa dadaallo lagu soo jiidayo markab xiray marin muhiim u ah kanaalka Suez kaas oo hakad geliyay isu socodka maraakiibta isaga kala goosho halkaas.

Qalab badan oo lagu soo jiidayo markabka ayaa la gaarsiiyay kanaalka Suez.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in meel wanaagsan ay marayaan dadaallada marinka looga soo jiidayo markabka isla markaana ay suurtagal tahay in saacadaha nagu soo aadan laga saaro goobta.

Markabka Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha kuna sii jeeday Rotterdam, Netherlands, ayaa xiray kanaalka Suez isaga oo doonayey inuu galo badda Mediterranean.

Markabkan oo ka diiwaangashan Panama, isla markaana sida xamuul dhan 200,000 tan, ayaa Talaadadii fariistay meel muhiim u ah marinka Suez, waxaana hakaday isu socodka marinkaas xajmiga Ever Given awgii.