Markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta si rasmi ah uga ambabaxay dekadda magaalada Muqdisho, kadib muddo 9 bilood ah oo uu baaritaan ku sameynayay biyaha badda Soomaaliya.
Markabkan oo ahaa mid si weyn loogu xoojinayay iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxaa sagootiyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay sahaminta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in dadaallada la xiriira baarista shidaalka ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee horumarinta dhaqaalaha iyo madax-bannaanida tamarta.
Markabka Oruç Reis ayaa maanta laga sagootiyay Dekeda Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Turkiga si loo dhammaystiro warbixintii sahminta, iyadoo la rajeynayo in xogta laga helay badda Soomaaliya ay horseedi doonto maalgashi ballaaran iyo istaraatijiyad cusub oo ku saabsan shidaal soo saarista mustaqbalka dhow.
Markabka Oruç Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa baaris shidaal ka waday badda Soomaaliya tan iyo 25-kii Oktoobar 2024, iyadoo si rasmi ah u soo dhammeystiray hawlgalkiisii socday muddo 234 maalmood ah.
Intii uu hawlgalku socday, markabku wuxuu xog 3D seismic ah ka ururiyey saddex qaybood oo badda Soomaaliya ka tirsan, isagoo daboolay dhul badeed cabirkiisu dhan yahay 4,464 kiiloomitir laba jibbaaran.
Hawlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa in la helo xog cilmiyeed oo muhiim ah taasoo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya sida uu horey u sheegay wasiirka Macdanta Turkey.



