Markab muhaajiriinta badbaadin jiray oo diiwaan galintii lagala laabtay

Markab samatobixinta ka shaqaynayay oo ka hawlgalayay badda Mediterranean-ka ayaa diiwaan galintii lagala laabtay, arrintaas oo carqaladaynaysa hawlihii samato bixinta ee uu mustaqbalka fulin lahaa.

Marka markabkaasi uu xirto waa in uu dhigaa taarikadiisa ama diiwaangalintiisa dalka Panama, mana safri karo isagoon mid cusub helin.

Waa markabkii u dambeeyay ee gaar loo leeyahay ee ka hawlgalayay aaga Liibiya looga tallaabo Yurub.

Hay’addii maamulaysay markabka ayaa dawladda Talyaaniga ku eedaysay in ay caddaadis saartay Panama si ay diiwaangalinta ugala noqoto.

Labadan kooxood oo heshiis kula jira hay’adaha Médecins Sans Frontières iyo SOS Mediterranée ayaa sheegay in go’aanka diiwaanka lagala noqonayo ay ka heleen Wasaaradda Arrimaha Badda ee Panama Sabtidii.

Xukuumadda ayaa la sheegay in ay markabka ku tilmaantay “mashaakil siyaasadeed” oo dalka haysta, waxayna sheegtay in dawladda Talyaanigu ay ka dalbatay in ay qaado “tallaabo degdeg” oo markabka ka dhan ah, sida ay sheegtay SOS Mediterranée.

Karline Kleijer oo madax ka ah xaaladaha degdegga ah ayaa hogaamiyeyaasha Yurub ku eedaysay in ay adeegsanayaan xeelado guracan

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini oo horay markabka ugu tilmaamay “taksi” ay muhaajiriintu isticmaalaan, ayaa diiday in dalkiisu uu cadaadis saaray Panama.

Axaddii ayuuna sheegay “in uusan xataa aqoonin furaha taleefoonnada Panama.