Shirkada UK ugu qaabilsan Ammaanka Baddaha ayaa sheegtay in Markab Xamuul ah lagu qafaashay meel 458 miles dhanka Koonfur Bari kaga toosan Xeebta Degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal Puntland.
Ilaa 6 qof oo hubeysan ayaa la sheegay inay qafaasheen Markabkaasi oo Calanka dalka Liberia ka dul-babanayo, waxaana markabkaas saarnaa Shaqaalo aad u farabadan, kuwaas oo lagu watay.
Hadalka ka soo baxay Shirkadda UK ugu qaabilsan Ammaanka Baddaha ee AMBREY ayaa lagu xusay in Markabka la qafaaahay uu ku wajahnaa Dekedda Khalifa Bin Salman ee dalka Baxrayn.
Ilaa iyo hadda lama oga halka la geeyay Markabkaas, hayeeshee Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ee afduubtay ay la maqan yihiin, kuwaa soo la aaminsan yahay inay geeyeen meelo ka fog xeebaha dalka soomaaliya.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa meelo kamid ah Xeebaha Puntland kusoo batay afduubka Maraakiibta iyo Doomaha shisheeye, iyada oo walaac ka muujiyeen dowladaha qaarkood.



