Markabka oo siday Agab kala duwan ayaa kusoo wajahnaa Dekadda Weyn ee Magaalada Muqsisho, isaga oo ka yimid dhinaca dalka Imaaraadka Carabta, waxaana xilli uu marayay xeebta degmada Baargaal ee bariga Puntland ay haleeshay dabeeysha.
Qaar kamid ah Shaqaalaha Markabka ayaa la sheegay in ay dhaawacmeen, balse dhamaantood ay soo badbaadiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ee ku sugan degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu Puntland.
Dhaawacaha shaqaalaha ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka degmada Baargaal, si halkaasi loogu daweeyo, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in ay dhaawacyo fudud qabaan.
Dabeeyshaan ay Markabka ku haleeshay Xeebta degmada Baargaal ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Maalmihii la soo dhaafay Puntland ay ka digeeysay roob dabeylo wata oo ku soo wajahan xeebaha Gobollada Bari iyo Gardafuu.



