Mario Mandzukic Oo Kahor Furitaanka Suuqa January Usoo Wareegi Kara Man United

Kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay xilli ka horreeya furitaanka suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub la wareegi karto weeraryahanka ay ku raad joogto ee Mario Mandzukic.

Weeraryahanka ree Croatia ayaa noqday rabitaanka dookha koowaad ee madaxda United kaddib dhibaatooyinka weerar ee kooxdooda haysta kulamada ay ilaa haatan ka ciyaareen horyaalka.

Tababaraha United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay inuu raadinayo saxeexa bedelka weeraryahanada Alexis Sanchez iyo Romelu Lukaku oo uu suuqii xagaaga u wada diray Inter Milan badalkooda tooska ahna uusan hore ula soo wareegin.

Si kastaba, Wargeyska Express SportĀ  ayaa shaaca ka qaaday haatan inay Red Devils heshiiska shaqsiga ah la meel dhigeen Mandzukic si ay ugu xaliyaan dhibkooda weerar.

Dhinaca kale Tuttosport oo kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheegaya in 33 sano jirkani uu bisha December ee kasoo horreysa bisha suuqu furmayo ee January uu usoo wareegi karo dhinaca Old Trafford.