Marinada gargaarka Suuriya oo maanta la filayo in la furayo

Dowladda taageerada ugu weyn uu ka helo Bishar Al-Asad ee Ruushka ayaa waxa uu sheegayaa in maanta la baneynaayo marinada gargaarka.

Taasi micneheedu wuxuu yahay in maanta oo Jimca ah gargaar la gaarsiin karo bariga magaalada Xalab.

Laakiin maamulka Mareykanka waxa uu sheegayaa inaysan haynin war muujinaya in ciidamada Suuriya ay furayaan bariga Xalab.

VIKTOR PONZIKHIR waa ku xigeenka taliyaha howlgalada ee Ruushka.

Wuxuuna sheegay in ciidamada Suuriya ay ka baxayaan marinada gargaarka.

“Ciidamada qalabka sida ee Suuriya waxay fulinayaan waajibaadkooda, waxayna bilaabeen inay dib ula baxaan qalabkooda militari iyo askarta ku sugan wadada Castello. Taasi waxay gacan ka geysaneysaa in gurmadka la gaarsiinayo bariga Xalab uusan kala go’ ku imaan”, waxaa sidaasi sheegay taliyaha u hadlay Ruushka.

Hase yeeshee, shalay saraakiisha Qaramada Midoobeey waxay muujiyeen sida ay uga caroodeen ayna uga niyad jabeen, inaysan u awoodin inay gargaar gaarsiiyaan Suuriya.

Wakiilka gaarka ah ee UN, Staffan de Mistura, waxa uu sheegay in dowladda Suuriya aysan fulin ballanqaadyadii ay sameysay.

Dalkaasi waxaa weli ka socota xabad joojin isniintii bilaabatay oo Mareykanka iyo Ruusha ay ku heshiiyeen.