Mareykanka oo Turkiga u diray digniin adag

FILE - In this Sept. 16, 2015, photo, U.S. Central Command Commander Gen. Lloyd Austin III, testifies on Capitol Hill in Washington. Biden will nominate retired four-star Army general Lloyd J. Austin to be secretary of defense. That's according to three people familiar with the decision who spoke on condition of anonymity because the selection hadn't been formally announced. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais, File)

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Arbacadii u sheegay dhiggiisa Turkiga inay si weyn uga soo horjeedaan howlgallada cusub ee ciidamada Turkigu ka wadaan Suuriya, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda sii kordheysa ee gobolka, sida uu sheegay Pentagon-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Austin uu muujiyay sida uu uga xun yahay weerarkii 13-kii November ka dhacay Istanbul.

“Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay falalka sii kordhaya ee waqooyiga Suuriya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah oo dhawaan dhacay, kuwaas oo qaarkood si toos ah u halis galiyay badqabka shaqaalaha Maraykanka ee la shaqeeya saaxiibada maxaliga ah ee Suuriya si ay u jabiyaan ISIS,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

“Xoghayaha Austin wuxuu ku baaqay in xiisadda la dejiyo, wuxuuna la wadaagay sida xooggan ee ay Pentagon-ku uga soo horjeedaan howlgalka cusub ee militariga Turkiga ee Suuriya.” ayaa raaciyay bayaankan.