Wasaaradda Difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in la kordhiyay muddada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay weerarrada ka fulin karaan Gudaha Soomaaliya.
Bishii October ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in la saxiixay Sharci cusub oo Ciidanka Mareykanka u oggolaanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasaaradda gaashaadhigga ayaa fulisay 30 weerar oo ka dhan Islaamiyiinta ayaa lagu yiri warbixintaani 2017 oo kaliya, waxaana la filayaa tiradaasi in ay sii badato maadaama ay ka badantahay tii 2016 ka uu Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay.
Weerarada waa ay kordhi doonaan 2018 haddii qorshahaan cusub la ansixiyo, waxayna tani qeyb ka tahay qorshe Mareykanku uu ku doonayo gaar ahaan golaha ammaanka qaranka inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Al-shabaab.
Marc Raimondi oo ah Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka ayaa u sheegay Newyork Times in hawlgalka lagu beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya uu sii socon doono labada sano ee soo scota.



