Qoraal uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ee xaruntoodu tahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in laba weerar oo cirka ah ay ku dileen 37 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah ee hore lagu dilay shalay 27 dagaallame, kaasoo ahaa ficil aan khaldamin oo ula kac ah sida ay warkooda ku sheegeen.
Weerarka labaad oo isna ahaa mid cirka ah ayey qoraalka ku sheegeen in lagu dilay 10 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.
Arrintan ayaa timid iyadoo shalay weerarro cirka ah laga soo sheegay in ay ka dheceen deegaanno hoos taga degmada Xaradheere.
Ilaa hadda ma jiraan ilo madax banaan oo sheegaya khasaare ka duwan kan Maraykanku sheegay.
Deegaannada ay duqayntu ka dhacday ayaa la aaminsan yahay in ay xoog ku leeyihiin Al Shabaab.
Maraykanku waxay sheegeen in aysan duqeymahaasi ku dilin dad rayid ah.



