Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 60 Shabaab ah

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in duqayn Maraykanku ka gaystay bartahama Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 60 ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Duqayntan ayaa 12-kii bishan waxay ka dhacday degaan ilaa 20-KM u jira magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Waa markii labaad ee sannadkan diyaaradaha Maraykanka ay duqayn ka gaystaan bartahama Soomaaliya.

Guud ahaan, sannadkan waxa Maraykanku uu ka gaystay Soomaaliya 27 duqaymood.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu dhimashada badneyd ee lala eegto Al-Shabaab muddo sanad ah, duqeyn dhacday bishii November ee 2017 ayaa lagu dilay 100 dagaalyahan, sida uu Mareykanka sheegay.