Muqdisho-RisaalaFM- War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ayaa lagu sheegay Diyaarado Drone-ah oo ay leeyihiin Mareykanka in ay duqeyn ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.
Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn shalay oo Khamiis aheyd abaare 02:45-PM duhurnimo ka dhacday agagaarka degmada Baraawe in lagu dilay Dagaalyahan ka tirsan ururka Al-shabaab.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii 3-aad oo uu Mareykanka fuliyo todobaadkan gudihiisa, maalmo ka hor waxaa duqeyn lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida Mareykanku sheegtay.
Ururka Al-shabaab dhankooda weli war kama aysan soo saarin warkan sheegaya in Dagaalyahan iyaga ka tirsan lagu dilay Duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.




