Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Kenya

USA-RisaalaFM- Wadaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinta dalkeeda waxa ay uga digtay in ay u safraan dalka Kenya ka hor Doorashada Madaxtinimo ee dalka Kenya ka dhaceysa Bisha soo aadan ee October 17-keeda.

Digniinta ay soo saartay Xukuumadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay suura galnimada rabshado hareeya Doorashada ku celiska ah ee Kenya Ka Dhaceysa.
Xukumada Mareykanka ayaa sidoo Kale sheegtay in Kooxahada danbiilayaasha ay ka faa’ideysanayaan inta lagu gudo jiro Ololaha Doorashada in ay falal amni daro geysan karaan.
Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha Kenya ayaa sidoo Kale looga digay in ay u safraan Lix ismaamul Goboleed oo dhaca Gobolka Waqooyi Bari iyo Gobol Xeebta oo ay ku nool yihiin Muslimiinta Kenya.
Ismaamuladaas ayaa waxaa ka mid ah Mandera, Wajir, Garissa Tana River, Lamu iyo qeybo ka mid ismaamulka Kilifi.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay si dhow ula socdaan Warbaahinta si ay xaalada ula jaan qaadaan.
Digniinta ka soo baxday Wasaaradda Arimaha Dibada Mareykanka ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa iyadoo laga baqdin qabo rabshado hareeya Doorashada Madaxtinimo oo ay ku loolami doonan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha Isbaheysiga Nasa Mr. Raila Odinga.
C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya.