Mareykanka oo ku hanjabay in uu kordhinayo la dagaalanka Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay laba jibaari doonto howgalada ay kula dagaalameyso Xarakada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warqad Madaxweynaha dowladda Mareykanka Brack Obama uu u diray golaha Wakiilada dowladda Mareykanka ayaa waxa uu kaga hadlay howgallada qorshaysan oo ay dowladda Mareykanka ay ka fuliso dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay si cad ulaba jibaari doonto howgalada ay kula dagaalamayaan Waxa loogu yeero Argagixisada .

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in u jeedadeedu ay tahay in la ciribtiro kooxaha xiriirka la leh Alqaacida ee ka howgalla Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay howgallo badan qorshaysan  ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Howgalladaasi oo dhacay  June 21, July 20, July 31, August 31, September 25, and September 28, 2016 ayaa waxaa si wadajir u fuliyay ciidanka AMISOM iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Mareykanka.