Mareykanka oo ka hadlay weerarkii cirka ee ka dhacay Sh/Hoose

A Soldier exits a UH-60 Blackhawk helicopter in the village of Darrah-I-Bum, Badghis Province, Afghanistan Jan. 5, 2011. The Soldier was part of a cadre of personnel accompanying the International Security Assistance Force Command Sergeant Major, Command Sgt. Maj. Marvin L. Hill on a visit to the Marines, sailors, and Soldiers of Special Operations Task Force-West living and working in Darrah-I-Bum. (U.S. Marine photo/Sgt. Brian Kester)

Mareykanka, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii dhinaca cirka ee gelinkii dambe ee Axadii ka dhacay duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidanka Militariga Mareykanka ee Afrika, ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu fuliyay weerarkan, islamarkaana ay wadaan qiimayn ku aadan natiijada weerarkaasi.

Saraakiil Taliskan ka tirsan, ayaa VOA u sheegay weerarkan oo la fuliyay Axadii shalay inay iminka darsayaan khasaaraha ka soo gaaray xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Weerarkan, ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayen shan ka mid ah xubnaha Shabaab, oo middi lagu sheegay inuu yahay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Dheereeye.

Gudoomiye Ku xigenka Degmada Baraawe, Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in duqayntan lala eegtay gaari uu la socday Sarkaalka Al-Shabaab u qaabilsan Puntland iyo Afar nin oo ilaaladiisa ahayd.