Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in  duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmada Jilib  ee  Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  30kii Bishii November oo shalay ku beegneyd duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib,isla markaana ay la beegsadeen duqeyntaas Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas oo uu horay u sheegi jiray in lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab,balse Warka Africom lagu sheegay inay baarayaan.

Ugu dambeyn Warka AFRICOM ayaa lagu soo geba-gabeeyay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ilaa iyo inta Mas’uuliyadda amniga dalka ay ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada.