Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad gobolka Bari , kaasi oo markale lala beegsaday xubnaha daacish ee ku dhuumaaleysanaya gobolkaasi.
Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo la eegtay goobo gacantooda ku haray kooxda Daacish ee buuraleyda Calmiskaat, gaar ahaana goobta keydka ee GAATIR-OODAN, aag ay galiyeen qoryaha waa weyn, waxaana xoguhu sheegayaan in labo kamid ah difaacyadooda oo qoryuhu saarnayeen la burburiyey.
War ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Mareylanka ay xalay abbaare 9:00pm fiidnimo duqeyn ka fulisay buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari, taasi oo lagu beegsaday xubno kamid ah dagallamayaasha Daacish.
Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo bayaankani soo saaray ayaa sheegay in Mareykanka oo kamid ah saaxiibada Puntland uu duqeynta ku beegsaday xubno kamid ah Argagixisada ISIS, islamarkaana dib laga faahfaahin doono xogta ku saabsan duqeyntaasi.
Duqeyntan ayaa ku soo aadaysa xili dhawaan duqeyn lala beegsaday kooxda Daacish lagu dilay illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal iyo saanad iyo warshadii qaraxyada ay Daacish ku sameyn jirtay.
Diyaaradaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb qaadanaya howlgal ka socda Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.
Kooxda Daacish ayaa waxaa ay saaxadda caalamka soo gashay sanadkii 2010-kii, iyadoo ka soo baxday Ciraaq iyo Suuriya.
Garabka Daacish ee Soomaaliya waxaa sanadkii 2015-kii sameeyay koox ka soo go’day al-shabaab oo ah kooxda ugu weyn Soomaaliya.



