Maraykanka oo shardi ku xidhay wadahadal uu la galo Kuuriayda Woqooyi

Maraykanka ayaa sheegay in hadii wadahadallo toos ah uu la yeelanayo Kuuriyada Woqooyi ay tahay in wadahadalladaa natiijadoodu noqoto in Kuuriyada Woqooyi joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Aqalka Cad ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hal celinayey hadal ka soo yeedhay Kuuriyada Koonfureed oo ahaa in wefti ka socday Kuuriyada Woqooyi oo ka qayb galaya xafladda xidhitaanka ciyaaraha olombigga ee xiliga qaboobuhu uu u heelanyahay inuu wadahadal la galo Washington.

Aqalka Cadi waxa uu intaa ku daray in “dhabbe cad” uu u furanyahay Kuuriyada Woqooyi hadii ay doorato in ay nukliyeerkeeda joojiso, taasina shardi u tahay wadahadallada.

Mar sii horaysay ayaa wasaaradda arimaha dibadda Kuuriyada Woqooyi, waxay ammaantay sida labada Kuuriya isku kaashadeen intii ay socdeen ciyaaruhu, lakiin waxa ay dhaleecaysay cunaqabatayntii u dambaysay ee Maraykanku ku soo rogay oo ay ku sheegtay talaabo colaadeed.