Maraykanka oo Iraq ka codsaday inay xirto inta badan xuduudaha ay la wadaagto Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Iraq, Fu’aad Xuseen, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku ay dalkiisa ka codsatay inuu xiro dhammaan goobaha xuduudaha ee uu la wadaago Iran, marka laga reebo laba marin, taas oo qayb ka ah dadaallada Washington ay ku doonayso inay cadaadis dhaqaale ku saarto Tehran.

 

Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera ayuu ku sheegay in mid ka mid ah labada marin ee la oggol yahay inay furnaadaan uu ku yaallo gobolka Kurdistan ee waqooyiga Iraq.

 

Fu’aad Xuseen ayaa sheegay in Iraq iyo Iran ay leeyihiin marinno xuduudeed oo badan, kuwa rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, isla markaana ay adag tahay in dhammaantood la xiro.

 

Waxa uu intaas ku daray in xiritaanka marinadaasi uu saameyn ku yeelan karo dhaqaalaha Iraq, isaga oo sheegay in Maraykanku weli ku adkeysanayo arrintaas, isla markaana ay labada dhinac hadda wadaxaajood ka leeyihiin.

 

Bishii hore, Iraq ayaa si ku-meel-gaar ah u xirtay marinka xuduudda ee Chazhabeh, oo ka mid ah marinada ganacsi ee ugu mashquulka badan ee ay wadaagaan labada dal.

 

Wararka ayaa sheegay in xiritaankaasi uu la xiriiray dib-u-eegista tallaabooyinka amniga iyo rakibidda qalab lagu baaro badeecadaha si looga hortago tahriibka.