Manchester United oo u dhaqaaqeysa Daafac Kooxda Juve Ka tirsan

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa door bideysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd daafaca reer Brazil ee Alex Sandro kaasoo dambeedka bidxeed ugu cayaara Juventus.

Red Devils ayaa suuqa ugu jirta daafacyo cusub gaar ahaan kuwa ka cayaara booska daafaca garabka bidix, waxaana muddooyinkii u dambeeyay lala xiriinayey daafacyo ay ka mid yihiin Layvin Kurzawa, Ryan Bertran iyo kuwa kale.

Man united ayaanan heysan daafac kasoo bixi kara waajibaadka booskaas, waxaana inta badan laga ciyaarsiiyaa Ashley Young oo isna da’du ay heyso.

Luke Shaw ayaa ay u badantahay inuu ka tagayo kooxda ku ciyaarta Old Trafford, waxaana hoos u dhacay xiisaha ay u qabeen Dany Rose oo u ciyaara Tottenham iyo keiran Tierney oo ka tirsan kooxda Celtic, sidaas darteed Jose Mourinho ayaa dareenkiisa u weecinaya daafaca kooxda Juventus.

Marwada Duqda ah ayaa dhankeeda xiiseyneysa difaaca Talyaaniga ah ee Mateo Darmian iyo weeraryahanka reer France ee Anthony Martial, waxaana macquul ah in labada kooxood uu dhex maro heshiisyo dhaxal gal ah.