Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Iney Dhameystirtay Heshiiska Romelu Lukaku

Manchester United ayaa  ku dhawaaqday iney dhameystirtay saxiixa xidiga reer Belgium Romelu Lukaku kas oo ay kala soo wareegeen kooxda Everton ee ka ciyaarta horyaalka Premier League.

Romelu Lukaku wuxuu kusoo biiray kooxda Old Trafford ka dhisan isagoo qalinka ku duugay heshiis shan sanadood ah wuxuuna ku imaanayaa kooxdiisa cusub aduun dhan 75 Malyan oo Pound balse sare u kici karta ilaa  90 Malyan oo Pound.

24-jirkaan heerka caalami wuxuu si rasmi ah ula midoobay macalinkiisii hore Jose Mourinho kaas oo kusoo leyliyay Chelsea isagoo aad da’yar.

“Romelu waa ciyaariyahan ku haboon Man Uninted, waa qof leh shaqsiyad weyn ahna ciyaariyahan weyn” ayuu yiri Jose Mourinho oo ka hadlay heshiiska Romelu Lukaku.

“Kaliya waa wax dabiici ah inuu doonayo inuu waayahiisa ciyaaraha ku hormariyo koox weyn” ayuu yiri Jose mar kale.

Dhanka kale Lukaku oo ka hadlayay inuu kusoo biiray Man United wuxuu yiri: “Waxaan jeclahay inuu ku bilaabo mahad celin aan u dirayo Everton iyo taageerayaasheeda kuwaas oo aan la qaatay afar xili ciyaareed oo aan caadi aheyn. waxaan halkaas ku yeeshay saaxiibo qaas ah oo aan waqti fiican wadaagnay”