Manchester United oo Juventus ka soo afduubaneysa Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in fursad loo siiyay in ay Juventus kula baratanto saxiixa xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Wararka isbuucan kasoo yeerayay saxaafadda Spain ayaa sheegayay in xidiga heerka caalami ee reer Portugal uu kusii jeedo Juve taas oo ku qaadanaysa adduun dhan 106-malayan oo lacagta Pound ka ah.

33-jirkan kaas oo shabaqa dul dhigay 450 gool kadib 438 kulan oo uu usaftay kooxda caasimaddda, ayaa lasoo sheeegayay inĀ  kooxda reer talyaani au kusoo jiidan doonto xidigan mushaar waalli ah taas oo asbuucii siin doonaa 500,000 oo pound.

Si kastaba ha ahaatee The Sun ayaa warinaysa in United ay miiska saari doonto dalab lamid ah midka cajuusta si ay markale ugu soo celiso kabtanka Portugal Old Trafford.