Manchester United oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay xidigan ka tirsan Barcelona

Koooxda kubadda cagta Manchestet United ayaa maalmihii u danbeeyay suuqa kala iibsiga ka baadi goobaysay daafac tayo leh oo aybusoo dhaqaajiso Old Trafford.

Red Devils ayaa lala xiriirinayay daafacyo dhawr ah oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa wayn qaaradda yuru kuwaas oo ay United u aragto in ay dabooli karaan baahideeda daafaca.

Yeelkeede, Caught Offside ayaa shaaca kaqaadday in Manchester United ay heshiiska shaqsiga lagaartay xidiga danabeedka bidix ee faadaca kaga ciyaara Barcelona ee Jordi Alba.

Xidiga heerka caalami ee reer Spain ayuu qanaraaskiisu ku egyahay bisha June ee sanadda 2020, isaga oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo adduun lacageed dhan 150-malyan oo Euro.

Wararka ayaana intaas kudaraya in aan lahubin haddii ay Barcelona kooxdeeda kadirayso xidigeedan ku ciyaara lugta bidix kaas oo kamid ah xidigaha safka koobaad ee kooxda Camp Nou.