Manchester United iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka Barcelona Philippe Coutinho inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagaan.
Xiddiga reer Brazil ayaa haatan amaah ku jooga kooxda Bayern Munich, waxaana kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay heystaan ikhtiyaar ay kula soo saxiixdaan heshiis joogta ah dhamaadka xilli ciyaareedka 2019-20.
Bayern ayaa lagu soo waramayaa inay u badan tahay inaysan qaadan qiimaha 102 milyan ginni, taasoo keentay in Coutinho laga iibiyo kooxaha Premier League.
Sida laga soo xigtay The Express, United iyo City ayaa labadaba isha ku haya horumarka ciyaaryahanka, inkastoo Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Liverpool ay sidoo kale ka fiirsanayaan qaabki ay ugu dhaqaqi lahaayeen xagaaga.
27 jirka ayaa dhaliyay 21 gool 76 kulan oo uu u saftay Barcelona tan iyo markii uu kaga soo biiray Liverpool bishii Janaayo 2018 markaasoo ay bixiyeen qiimo 142 milyan ginni.
Xilli Ciyaareedkaan, South America wuxuu dhaliyay 7 gool sideed kalena wuu caawiyey 26 kulan oo uu u saftay Bayern, waxaana kujira hal gool oo uu ka dhaliyay lix kulan oo Champions League ah.