Manchester United & Arsenal oo ku loolamaya Ciyaaryahan Caan ah

Kooxaha Kubadda Cagta ee Manchester United iyo Arsenal ayaa dadaal ugu jira in midkiiba uu ku guuleysto soo xer gelinta daafaca xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti.

Ciyaaryahaankaan oo u Ciyaara naadiga reer Catalonia ayaa labada kooxood waxaa midkiiba uu doonayaa in uu helo,kadib markii ay soo baxdey in uu isaga tagayo Kooxda Barcelona ee wadanka Spain ku biirey sanadkii 2015-kii.

Ciyaaryaahan Samuel Umtiti ayaa dhowr jeer waxaa soo gaarey dhaawacyo kala duwan taas oo sababtey in uu waaayo booskiisii joogtada ahaa oo uu kala baxay Lenglet,isaga oo haatan doorbidayo in uu raadsado koox kale uu ka helayo boos joogta ah.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta ayaa raadinaya difaac tayo leh oo u beddela David Luiz iyo Mustafi oo ay da’doodu weynaatay, isla markaana loo arko kuwo aan natiijo wanaagsan keeni karin.