Kooxda Manchester City ayaa laga mamnuucay tartanada naadiyada Yurub labada xilli ciyaareed ee soo socda ka dib markii lagu helay in ay si “cad ugu xad gudubtay” xeerarka xuquuqda baahinta iyo hufnaanta maaliyadeed.
Kooxdan oo haysata koobka horyaalka Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 30 milyan oo Euro.
Waxay se kooxdu haysataa fursad ay racfaan kaga qaadato go’aankan oo ay u gudbiso maxkamadda garsoorka Isboortiga.
Maamulka Manchester City ayaa sheegay in ay “ka xun yihiin laakiin aanu la yaab ku noqon go’aankaa eexda ah” oo ay racfaan ka qaadan doonaan.
Gudig la socodka xisaabaadka naadiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo CFCB ayaa sheegtay in kooxdu jabisay xeerarka maadaama oo ay “buunbuunisay dakhliga ka soo gala taageerada dhaqaale ee ay hesho ee xisaabaadkeedii sannadihii 2012 iyo 2016”.
Waxa kale oo wararku tibaaxeen in sidoo kale kooxdu mudan karto in dhibcaha tartanka haatan socda ay ka haysato wax laga jari doonoo maadaama oo xeerarka xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska iyo kuwa xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub ay wax badan iskaga mid yihiin.



