Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ugu dambeyn ku dhow inay soo af jarto saxiixa laacibka kooxda Napoli ee Jorginho.
Wakiilka laacibka khadka dhexe ayaa xaqiijiyay in ay qarka u saaranyihiin gabagabeynta saxiixa laacibka laacibka reer Italy maadaama ay soo gaareen gudaha dalka Ingiriiska.
Joao Santos ayaa sheegay inay fasax ku sugayaan madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiisa ama agaasimaha ciyaaraha kooxda ee Cristiano Giuntoli si ay wada hadallada Manchester City ay u billaabaan.
Kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League-ga ayaa heshiiskan kusoo dhameytireysa qiimo lacageed dhan £43m.


