Man Utd oo diyaar u ah inay lacag bixiso ka dib guuldaradii PSG

Guuldaradii PSG kasoo gaartay wareega 16ka Champions League waxay ku qasbeysa Ed Woodward inuu Manchester United ku qarash gareeyo lacag waali ah suuqeeda kala iibsiga xagaaga, sida laga soo xigtay Daily Mirror.

Kalidou Koulibaly ayaa weli ah bartilmaameedka ugu sareeya kooxda Unitec ah, iyadoo daafaca dhexe uu ku qanacsan yahay inuu ka tago Napoli.

United ayaa sidookale raadineysa ciyaaartooy garbaha iyo khadka dhaxe ka ciyaara si horumarka uu wado tababare Ole loo dhiiro galiyo.

Tababare Ole ayaa guuleystay 10 kamid ah 11kiisi kulan ee ugu horeeyay Manchester United, taasoo dhiro galineysa jamaahiirta United.