Manchester United ayaa si aad ah u baadi goobeysa bedelka goolhayaha dibada David de Gea, sida lagu sheegay warbixin manata soo baxday.
Inkastoo wadahadalo socdeen muddo bilooyin ah, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaan weli qalinka u saarin qandaraas kordhin kooxdiisa, inkastoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga soo socda.
Sida laga soo xigtay The Sun, Red Devils ayaa haatan ogolatay inay lumiso 28 jirkaan bisha Janaayo isla markaana waxay wadaan qorshooyin ku aadan bdelkiisa..
Kooxda heysata horyaalnimada Ligue 1 Paris Saint-Germain ayaa ah kooxda dagaalka ugu jirta saxiixa De Gea oo lagu burburinkaro qandaraaskiisa qiimo dhan 30 milyan oo ginni, inkastoo goolhayihii hore ee Atletico Madrid sharci ay tahay inuu galo lixda bil ee uga dambeysa qandaraaskiisa United.
Mid ka mid ah goolhayeyaasha bedeli kara De Gea waa lambarka koowaad ee Dinamo Zagreb Dominik Livakovic, iyadoo Red Devils ay indha-indheeyayaal u dirtay kulankii Champions League ee Rosenborg.
United ayaa heysata Sergio Romero iyo Dean Henderson ,laakiin waxaa la rumeysan yahay inay u baahan yihiin goolhaye kale oo noqda dooqa koowaad ee kooxda.