Sida lagu soo waramayo Manchester United ayaa u dhaqaaqi doonta soo xerogalinta xidiga Barcelona Andre Gomes marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda jiilalka oo furmi doona maalinta koowaad ee January.
Jose Mourinho ayaa dhawr jeer isku dayay inuu lasoo saxiixdo 24-jirkaan reer Portugal, balse wuu iska diiday inuu la midoobo macalinka ay dhalashada wadaagaan isagoo xagaagii 2016 doortay inuu ku biiro Barcelona.
Si kastaba Gomes wuxuu ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo Camp Nou, maadaama uu kaliya kusoo bilowday 10-ciyaartood dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna haatan isha ku hayaa inuu iska baxo si uusan boos uga waayin koobka Aduunka ee 2018 ka dhici doona cariga Russia.
Don Balon ayaa shaacisay in Jose Mourinho uu kalsooni dheeraad ah ku qabo inuu heli karo xidigaan kuna qaadan karo qiimo jaban oo dhan 31 Malyan oo Pound.
Red Devils waxey dhibaato kasoo weerareysa khadka dhexe maadaama Michael Carrick uu noqday mid kasii baxaya garoomada sidoo kalana Fellaini uu wali ka shakisan yahay inuu sii joogo Red Devils.



