Man United Oo Kalsooni Ka Muujisay Inay Heshiis Cusub Ka Saxiixi Doonto Ander Herrera

Kooxda Man United ayaa kalsoon weyn ka muujisay inay dhawaan heshiis cusub ka saxiixi doonto Ander Herrera iyo Juan Mata.

Ander Herrera iyo Juan Mata oo dalka Spain u dhasheen qandaraaska ay garoonka Old Trafford ku joogaan wuxuu ku egyahay June sanadka dambe, inkastoo ay heestaan dooq hal sano dheeraad ah ay kusii saxiixi karaan.

Shabakada ESPN ayaa la xariiratay ilo aad ugu dhow kooxda Man United kuwaas oo u xaqiijiyeen in Ander Herrera iyo Juan Mata dhawaan heshiisyo cusub laga saxiixi doono.

Macalin Mourinho ayaa la dhacdan dadaalada Mata iyo Herrera wuxuuna rabaa macalinkaan in labadaan cayaaryahan garoonka Old Trafford sanado badan sii joogaan.