Man United Oo Badalka Carrick Ka Dhex Heshay Kooxaha Ugu Sareeya EPL-ka

Manchester United ayaa goor hore u dhaqaaqday xidigii ay ku buuxin laheyd halyeyga kooxda Mihcael Carrick kaas oo u muquda mid aan xagaaga dambe sii xiran doonin maaliyadda Red Devils.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa waxey durba dooqdeen xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham Hotspur iyo qaranka England Eric Dier kaas oo lagu qiimeeyo 40 Malyan Oo Pound.

Macalinka reer Portugal in badan ayuu xushmeeyaa ciyaartoyda Spurs, balse wuxuu ka walwalayaa sida ay koox kula xifaaltameysa horyaalka u siineyso ciyaartoydooda ugu muhiimsan.

Sportsmail ayaa fahansan in Manchester United ay afar ciyaartoy calaamadsatay iney lasoo saxiixato xagaagan, waxaana ka mid ah xidigii hore Porto kaas oo hanaan wacan soo bandhigay waqtigiisa White Hart Lane.

Sida warbixinta lagu qoray United waxey u muuqataa koox wax weyn ka sameyn karta suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan madama lala xiriirinayo Neymar Junior oo ka tirsan Barcelona iyo Atletico Madrid weeraryahankeeda Antoine Griezmann.