Maleeshiyo lagu kala qaaday Beledweyne “SAWIRRO”

Beledweyne-RisaalaFM- Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan maalmahan waxaa ku dagaalamayay Malesshiyo Beeleed walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana Dagaaladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyo Beeleedkii dhowaanahan ku dagaalamayay Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo tagay goobta ay Maleeshiyada isku hor fadhiyeen ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in la kala qaado beelahaasi.

Korneel Cabdi Axmed Weheliye  oo ah Afahayeenka Guddiga Amniga ayaa sheegay in ay goobta tageen iyadoo uu dagaalku socdo, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay kala dhex galaan.

Wuxuu sheegay in goobta uu ku geeriyooday Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliskiisa Soomaaliyeed, kadib markii ay haleeshay Rasaastii lays weydaarsanayay.

1q 2q 3q 4q 5q