Wararka naga soo gaaraya Bariga Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in degaan duleedka ka ah Magaalada Gaakacyo ay is rasaaseen ku dhex martay dad Xoolo dhaqato ah.
laba maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay inay isku rasaaseeyeen degaanka jilable-Heyre waxaana ku dhaawacmay labo ruux oo la geeyey isbitaalka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay isku-hesytaan dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla.
Ciidamada isku-dhafka ah ee Magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhow ku baxay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la sheegay in xal gaari doona dagaalkaasi dib uga soo cusboonaaday degaanka Jilable.
Ammaanka gobolka Mudug ayaa wanaagsanaa Bilihii lasoo dhaafay tan iyo markii halkaasi laga hirgalay Ciidamo isku dhaf ah oo loogu tala galay xaqiijinta Ammaanka.


