Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal labo maleeshiyo beeleed u dhaxeeya uu ka dhacay tuulooyin hoos-taga degmadaas.
Dagaalka ayaa dhacay maanta duhurkii waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku baxay goobta uu dagaalku ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayay dil todobaad ka hor ka dhacay tuulooyin ku dhow degmada Cadale, waxaana dilkaas uu sabab u noqday dagaal mar kale ka dhex qarxa labo beelood.


