Magacyada xubnaha maanta la doortay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland, waxaana la doortay Saddex xubnood.

Doorashadan oo ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aheyd mid xiiso badan, maadaama kuraasta qaar ay ku tartamayeen siyaasiyiin caan ah.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin Maxamed C/llahi Kaamil oo 51 cod kaga guuleystay Jibriil Sacad Muuse, Seynab Caamir oo heshay 48 cod iyo Maxamed Cali Xagaa oo 50 cod kaga adkaaday Maxamed Iidle Kheyre.

Xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada Doorashadii maanta dhacday.

269 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa la dooraty, waxaana dhiman 6 Xildhibaan, iyadoo maalmaha soo socda la dooran doono.