Magacyada xubnaha lagu doortay Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Galmudug.

Doorashadan oo saakay bilaabaatay ayaa soo gaba gabowday maqribnimadii maanta, waxaana lagu doortay ilaa Saddex xubnood oo keliya.

Kursiga koowaad oo ay ku tartameyeen Haween ayaa waxaa ku soo baxday Maryan Maxamed Xuseen oo heshay 48 cod, kadib markii ay ka guuleysatay Ikraan Cabdi Nuur C/laahi oo heshay 3 cod.

Sidoo kale kursigii Labaad oo ay ku tartamayeen Haween ayaa waxaa ku soo baxday Maryan Xaaji Cabdi Geedi oo heshay 48 cod, kadib markii ay ka guuleysatay Yaasmiin Maxamed Cabdi oo heshay 2 cod.

Ugu dambeyntii kursigii Saddexaad oo Doorashadiisa ay soo gaartay maqribnimadan ayaa waxaa ku tartamay Zakariye Xasan Cali iyo Mursal C/raxmaan Axmed, waxaana ku guuleystay kursiga Baarlamaanka Zakariye Xasan Cali oo helay 31, halka Mursal C/raxmaan Axmed uu helay 19 cod.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado ayaa mareysaa meel gaba gabo ah, waxaana Maamulka Galmudug uu sheegay in Todobaadkan gudihiisa ay soo gaba gabeyn doonaan Doorashada Golaha Shacabka.