Magaalo muhiim ah oo lagala wareegay Ciidamada TPLF

Weeraro isdaba joog ah oo ay Xukuumadda Abiy Axmed ugu Magacdartay Xidido Siibka (TPLF) ayaa lagu qaaday Galabta illaa Caawa Talisyada Maleeshiyaadka TPLF Ee Magaalada Maqale.

Saraakiisha Ciidamada Federaalka Federaalka sheegay in Ciidamada Gacanta ku dhigeen Magaaladda Shire oo Muhiim u ahayd Maleeshiyadda TPLF , sidoo kalena ay kusii dhawaanayaan Magaaladda Faca wayn Ee Axum.

Duqeymo aan kalla Joogsi lahayn ayaa Gabal dhicii Maqribnimo lagu garaacay Magaalada, waxaana Ciidamada Federaalka Itoobiya  ay Jihooyin Badan ka go’doonsheen Ciidamada TPLF.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta shaaciyay in uu dhamaaday waqtiga loo qabtay inay sku-soo dhiibaan Ciidamada TPLF ,isaga amray in3dagaal xoogan lagu qaado.