Madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolás Maduro ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay qorsheynayaan inay isaga dilaan si ay u afgembiyaan xukuumaddiisa.
Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in la taliyaha arrimaha ammaanka dowladda Mareykanka, John Bolton uu isagu qorsheynayay dilkiisa balse ma uusan sheegin wax caddeyn ah oo arrintaasi ku saleysan.
Wuxuu yiri “John Bolton ayaa loo xil saaray qorshaha la iiguu dilo rabo, ciidammo shisheeye ayay dalka keeneen”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Nicholas Maduro uu yahay kaligii talis, wuxuuna kusoo rogay cunaqabatayn.
Horraantii toddobaadkan Mareykanka ayaa dhaleeceeyay booqasho ay ku tageen dalka Venezuela khuburro dhanka bambaanooyinka qaabilsan oo Ruushka u dhashay .



