Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-64, Ogoosto 20, 2019 ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa Maxamed Rooble Cabdi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.