Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Xildhibaano iyo Siyaasiinta maanta Muqdisho uga dhawaaqay Madal ay ku mideysan yihiin.
Guuleed ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo Madasha ay kaga dhawaaqeen Muqdisho, islamarkaana ay ka turjumeyso in hanaanka diqmoqraadiyadda dalka la dardargaliyo, islamarkaana laga hortaggo in doorashadda soo socota ay dib u dhacdo.
Waxaa uu sidoo kale muujiyay sidda uu uga cabsi qabo in doorashada soo socota ay ku dhacdo wado aan wanaagsaneyn.
“Waxaan soo dhaweynaa dhaq-dhaqaaq waliba oo dhiira-galinaya nabadda iyo dimuqaraadiyadda curdanka ah ee soomaaliya ka hana qaaday, ayadoo ay jirto shaki weyn oo laga qabo qabasoomidda doorasho leh hufnaan iyo hanaan wadar-ogol ku salaysan oo dhacda sanadka 2021da. Si gaar ah waxaan u soo dhaweynaa Madasha Xisbiyada ee maanta looga dhawaaqay muqdisho, waxaana la qabaa walwalka ay ka muujinayaan kartida iyo bisaylka madaxda dowladda ay u leedahay gardaadinta iyo qabashada doorasho hufan oo caafimaad qabta” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.


