Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabelle ay xilka ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah Maamulka Hirshabelle.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho oo maalmahan uu ku sugnaa, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Maxamed Barre, isagana uu ka dagay Garoonka Diyaaradaha Jowhar.
Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa soo sheegaya Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabelle inuu gaaray xarunta Madaxtooyadda Maamulkaasi, halkaasi oo iminka uu ka socdo kulan u dhaxeeya Cosoble iyo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.
Illaa hadda Cali Cabdullaahi Cosoble kama uusan hadlin xil ka qaadista ay ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, hayeeshe waxaa la filayaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi uu ka hadlo xil ka qaadista Madaxweynihii lagu sameeyay.
Xildhibaano gaaraya 68 ayaa shalay codka kalsoonida ah kala noqday Madaxweynihii Maamulkaasi Cosoble, halka 6 ay diideen labana ay ka aamuseen kulan ka dhacay shalay Magaalada Jowhar.


