Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabad lagu xusayo 25 sano guuradii kasoo wareegtay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Tuulada Carta sanadkii 2000.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana lagu wadaa in marka uu gaaro magaalada Jabuuti uu kulan rasmi ah la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo door muuqda ku lahaa gogoshii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Carta.

 

Munaasabadda lagu xusayo 25 sano guuradii Carta ayaa waxaa ka qeybgalaya madax sare oo ka kala socota Soomaaliya, Jabuuti iyo dalal kale oo caalamka ah, sidaas oo kale waxaa magaalada Jabuuti ku sii qulqulaya madaxda siyaasadda, dhaqanka, bulshada rayidka iyo xubno kale oo qeyb ka noqonaya madasha taariikhiga ah.

 

Sidoo kale, xubno ka socda bulshada rayidka Soomaaliyeed, oo qaarkood dalka dibaddiisa uga soo safray, ayaa ka mid ah martida munaasabadda, si ay uga qeyb qaataan xuska muhiimka ah ee lagu muujinayo kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku lahayd dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

 

Shirkii Carta ee lagu qabtay sannadkii 2000 ayaa ahaa mid taariikhi ah oo Soomaaliya u horseeday samaysankii dowladdii kumeelgaarka ahayd, taasoo bilow u noqotay geeddi-socodka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya. Tan iyo xilligiias waxaa dalka soo maray lix madaxweyne, kuwaas oo dhamaantood qeyb ka ahaa silsiladdii dowlad dhiska ee ka dhalatay shirkii Carta.