Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya uu marayo marxaladdii ugu dambeysay, isla markaana la horgeyn doono Baarlamaanka si loo ansixiyo.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday Shirweynaha Cimilada Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa, isagoo xusay in hay’addan cusub ay Soomaaliya siin doonto xog cimiladeed oo lagu kalsoonaan karo, taas oo muhiim u ah la tacaalida abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha degdegga ah.
Hay’adda cusub ayaa lagu wadaa inay noqoto xudunta howlaha dowladda ee saadaasha hawada iyo la socodka isbeddelka cimilada, iyadoo taageeraysa beeraleyda, kalluumeysatada, iyo qorsheynta horumarineed ee dalka, isla markaana Soomaaliya ka qeyb gelinaysa barnaamijyada caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka.



