Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Gudiga Qaran ee la dagaalanka lacagta sharci darrada iyo maalgelinta Argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Waxa loogu yeero Argagaxisada oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee Alshabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii Alshabaab ay u lahaayeen urursiga lacagta ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah la dagaalanka Alshabaab ayaa lagu yiri warka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;  furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.