Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kambala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa shirar halkaas uga qayb galaya .
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa uga qayb -galaya Kambala shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kaasoo maanta oo Khamiis ah ka furmaya dalkaas.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah oo sidoo kale halkaas maanta ka furmaya.
Madax kala duwan ayaa ku sii qul qulaysa dalka Uganda oo maanta uu ka furmi doono shirka urur goboleedka IGAD.
xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii korortay kadib markii Somaliland heshiis ay la gashay Itoobiya kaas oo ay ku heleyso dhul nadadeed iyo Saldhg Militari.
Dowlada Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiiskaas is afgaradka ah.



